Thursday, November 14th, 2019

XOG MUHIIM AH: Sababihii Looga Badiyay Xulka Qaranka Somalia Kulankii Zimbabwe.

Published on September 11, 2019 by   ·   No Comments

Xulka qaranka Somalia ayaa guul daro kala kulmay xulka qaranka Zimbabwe kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Hordhaca ah ee koobka adduunka 2022 Kana dhacay garoonka dalka.

Xulka qaranka Somalia ayaa looga badiyay 3/1 inkasta oo ay si fiican u difaacdeen qaybtii hore ee ciyaarta laakiin xulka Ocean Stars ayaa bur-buray daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa waxayaabihii sababta u ahaa guuldaradii soo gaadhay xulka Ocean Stars:

1.Difaacasho ay ku bilowdeen Ciyaarta:

Xulka qaranka Somalia ayaa ku bilowday difaacasho isla markii garsooruhu yeeriyay siidhiga ciyarta iyaga oo inta badan ku mashquulsanaa sidii ay u difaacan lahaayeen goolkooda.

Taas ayaan odhan karnaa in ay si fiican u shaqaysay marka loo eego in ay si fiican u ilaashadeen shabaqooda hadana waxa ay ahayd in ay dhanka weerarka ka shaqeeyaan weeraro rogaal celis ahna qaadaan.

2.Kubada Xulka Somalia Oo Aan Daganayn:

Xulka qaranka Somalia ayaan ciyaarin kubad dagan iyaga oo kubad walba oo ay helaan iska fogaynayay oo aan inta badan ciyaarin baas ay ku kexeeyaan kubada kuna geeyaan goolka xulka Zimbabwe.

Marka ay xiddigaha xulka Somalia kubada haystaan waliba baas ciyaaraan waxa ay ahaayeen qaar halis ku ah xulka ka soo hor jeeda taas oo waliba khal-khilanaysay xulka Zimbabwe.

3.Weerarka Oo Aan Shaqadooda Ka Soo Bixin:

Weerarka xulka Somalia ayaan ka soo bixin shaqadoodii iyaga oo aan halis galin xulka Zimbabe kuwaas oo daafacoodu si raaxo leh isaga ciyaaryay lana kulmin cadaadis aad u badan.

Marka la isku bar-bar dhigo weerarka xulka Somalia ee ciyaartan iyo midkii ciyaartii hore waxa u dhexeeyay farqi aad u weyn maadama ayna wax cadaadis ah saarin daafaca xulka ka soo hor jeeda taas oo keentay in ilaa daafaca Zimbabwe weerarka soo galaan.

4.Wakhtigii Badalka La Sameeyay:

Xilli uu xulka Qaranka Somalia si fiican u difaacanayo sidoo kale xiddiguhu si fiican iskula qabsadeen ayuu tababaraha xulka somalia sameeyay is badal taas oo khal-khalisay qorshihii xulka.

Sidoo kale is badalka lagu sameeyay ayaan waxba ka badalin ciyaarta iyaga oo kaliya ku soo kordhiyay khal-khal iyo isku dheeli tirnaan boosaska ah.

Tags: ,

Readers Comments (0)












WARARKII UGU DANBEEYAY

Qoys soomaali ah oo Gaari ay ku safrayeen dab ku qabsaday wadada dhexdeeda VIDEO

November 10, 2019
Qoys soomaali ah oo Gaari ay ku safrayeen ...

DEG DEG Xasan sheekh iyo sheekh shariif oo markale diyaaradii siday laga jaray QADKA

November 10, 2019
DEG DEG Xasansheekh iyo sheekhshariif oo markale diyaaradii ...

MAAMULKA MAGAALADA KISMAAYO OO DIGNIIN ADAG U DIRAY QAAR KA MODA SHACABKA KUNOOL KISMAAYO VIDEO

November 10, 2019
Gudoomiye ku xigeenka magaalada kismaayo ayaa waxa uu ...

DEG DEG: Gudoomiyihii Hore ee baarlamaanka Puntland oo ka Hadlay Arimo Xasaasiya shaaciyayna SIR CULUS

November 10, 2019
Gudoomiye dhoobo daareed ayaa waxa uu gaaray xiin ...

DEG DEG: Gusoomiyihii Baarlamaanka puntland oo Xilki Laga Qaaday ka dib Markii uu Ka badbaaday isku daygii Lagu Qaarajin Lahaay xalay.

November 7, 2019
DEG DEG: Gusoomiyihii Baarlamaanka puntland oo Xilki Laga ...

DEG DEG: Gudoomiyihii Baarlamaanka puntland oo Xilki Laga Qaaday ka dib Markii uu Ka badbaaday isku daygii Lagu Qaarajin Lahaay VIDEO

November 7, 2019
DEG DEG: Gusoomiyihii Baarlamaanka puntland oo Xilki Laga ...

Faafaahin Dagaalki ka dhacay Xarunta baarlamaanka ee puntland

November 7, 2019
Waxaa xalay weerar lagu qaaday ilaalada baarlamaanka puntland ...

Yaa ka Danbeeyay weerarkii Lagu Qaaday Ilaalada Paarlamaanka oo ay ku geeriyoodeen askar iyo shacab

November 7, 2019
Anigoo ku hadlayaa magaceyga iyo magaca Golaha Shacabka ...

Soo saaridii shidaalka soomaaliya oo lagu shaaciyay shirka AFRICA OIL WEEK oo ka dhacay cape town

November 7, 2019
Shirkaan oo lagu magacaabo isbuuca shidaalka afrika isla ...

Hordhac: Barcelona Vs Slavia Prague: Barca Oo Rikoodhka Guulaha Ugu Badan Taariikhda Champions League Ku Leh Camp Nou.

November 5, 2019
Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Slavia ...

GOLAHABAARLAMAANKA MAAMULKA JUBALAND OO KULAN XASAASIYA KA YEESHAY ARIN SHACABKA SOOMAALIYEED KA FARXISAY VIDEO

November 5, 2019
Golaha wakiilada Jubbaland oo kulan ka yeeshay fatahaadda ...

Qaar kamida shacabka ku nool Magaalada Kismaayo oo Ka cabanaaya daryeel xumada Maamulka Jubaland VIDEO

November 5, 2019
Dadka ku nool xaafadda Madiina ee Kismaayo oo ...

XOG: MADAXWEYNAHA JUBALAND AXMAD MADOOBE OO KULAN DEG DEG AH U QABTAY GOLAHA AMNIGA JUBALAND VIDEO

November 5, 2019
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo shir guddoomiyey kulanka ...

Ma Taqaan Furaha Albaabka Jannada ADKAARTAAN AKHRISO

November 3, 2019
Ma Taqaan Furaha Albaabka Jannada ADKAARTAAN AKHRISO. Hoos ka ...

Qaar ka mid ah ciidamada Nabad sigidda JUBBALAND oo Cabasha iyo welwel Ka Muujiyay Hogaanka Booliska Jubaland

November 3, 2019
YAA ISKU DIRAYA SARAAKIISHA NABADSUGIDA JUBBALAND? Maxamed Naasir oo ...

XOG CULUS: AXMED Madoobe iyo Jifaddiisa Hoose oo Shir Ku Qabsaday Magaalada Kismaayo.

November 3, 2019
Shirka waxaa lagu falanqeyey Arrimaha Siyaasadda Jubbaland iyo ...

Duco Haddii aad aqrisato ilaahey kaa dul qaadaayo wax kasto oo dhibaato iyo welwel ah

November 3, 2019
Duco Haddii aad aqrisato ilaahey kaa dul qaadaayo ...

Didier Drogba Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Aan Xitaa U Tartami Doonin Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or & Sababta Oo Uu Sharaxay

November 3, 2019
Halyeeyga Kooxda chelsea iyo xulka qaranka Ivory Coast ...

SIR CULUS: Gabar iyo wiil Reer Koofur Galbeed ah oo u tashanaaya Soomaalida kale

November 3, 2019
SIR CULUS: Gabar iyo wiil Reer Koofur Galbeed ...

Maxkamadda ciidanka Jubbaland oo amaanay kartida iyo hal adayga ciidanka Jubbaland

November 2, 2019
Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidanka Jubbaland oo amaanay kartida ...
%d bloggers like this: